21 C
New York

Waa sidee xaaladda Ari-Caddeeye kadib dagaalkii cuslaa ee ka dhacay?

Published:

Waa sidee xaaladda Ari-Caddeeye kadib dagaalkii cuslaa ee ka dhacay?

Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa saaka deggan xaaladda degmada Ari-Caddeeye ee gobolka Sool ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya kadib dagaal shalay halkaas ka dhacay oo sababay dhimashada in ka badan 20 ruux iyo dhaawaca tobannaan kale, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Dagaalka ayaa galaaftay nolosha dad rayid ah, iyadoo qaar ka mid ah dadkii ku dhintay ayaa la aasay, halka dhaawacyada qaar loo qaaday goobo caafimaad oo ku yaalla deegaannada u dhow. Wararka laga helayo Ari-Caddeeye ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka ay ku jireen haween, carruur iyo dad da’ ah, taas oo sare u qaadday walaaca laga qabo saameynta uu dagaalku ku yeeshay shacabka rayidka ah ee ku nool degmada.

Ilo kala duwan oo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarka ka dhacay Ari-Caddeeye uu daba socday dilal hore uga dhacay qaybo ka mid ah gobolka Sool, inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin sababta rasmiga ah ee horseeday iska horimaadka. Saraakiisha hay’adaha ammaanka ee maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa la sheegay inay yeesheen kulamo la xiriira xaaladda amni ee degmada iyo sidii loo xakameyn lahaa xiisadda. Hase yeeshee, ilaa hadda wax war ah kama aysan soo saarin go’aannada laga gaaray ama tallaabooyinka la qorsheynayo.

Dhanka kale, waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee degmada Ari-Caddeeye ayaa wada dadaallo lagu qaboojinayo xaaladda, iyagoo ku baaqaya in la joojiyo colaadda iyo falalka aargoosiga ah ee keeni kara dagaallo hor leh. Dagaalka ka dhacay degmada Ari-Caddeeye ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka Sool ay marar kala duwan ka dhacayeen xiisado iyo dilal la xiriira aanooyin hore iyo khilaafaad deegaan, iyadoo shacabka deegaanku ay ka cabsi qabaan in xaaladdu mar kale faraha ka baxdo haddii aan xal degdeg ah laga gaarin.

Related articles

Recent articles

spot_img