21 C
New York

Ciidamo taabacsan Lafta-gareen oo weeraray Magaalada Baydhabo.

Published:

Ciidamo taabacsan Lafta-gareen oo weeraray Magaalada Baydhabo.

Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa…
Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo, ee xarunta gobolka Baay. Goobta weerarka ayaa waxaa muddo saacado ah ka socdey dagaal u dhexeeyey labada dhinac, iyadoo ciidamada weerarka qaaday ay gacanta ku dhigeen askar ka tirsan dhinaca dowladda, sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka taabacsan Lafta-gareen. Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer oo hore ay ciidamada daacadda u ah Laftagareen weerarro uga fuliyeen agagaarka Baydhabo, iyagoo gudaha u galay qaar kamid ah xaafadaha Magaalada Baydh

Dhanka kale, Wasiirkii amniga xukunkii Lafta-gareen, Xasan Cabdulqaadir, ayaa qoraal uu ku baahiyay Facebook ku sheegay in shacabka looga baahan yahay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada si aysan waxyeello uga soo gaarin dagaallada socda. “Shacabkeenna sharafta leh ka fogaada goobaha ay degan yihiin ciidamada si aanay dhibaato idiin soo gaarin”, Ayuu yiri Wasiir Xasan Cabdulqaadir.

Related articles

Recent articles

spot_img