Khasaare ka dhashay israsaasayn ka dhacday kantaroolka Garoowe.
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa israsaasayn ciidanka booliska Puntland iyo gaadiid dagaal oo uu…
Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa israsaasayn ciidanka booliska Puntland iyo gaadiid dagaal oo uu la sheegay inuu lahaa siyaasi Maxamuud Mashruuc kana yimid gobolka Bari ku dhexmartay kantaroolka Bari ee magaalada Garoowe. Israsaasaynta ayaa sababtay dhaawaca ilaa labo ka mid ah ciidamada Maxamuud Mashruuc oo markii dambe dib u laabtay, sida ay goob joogayaal u sheegeen Horseed Media. Ciidanka siyaasi Liibaan Mashruuc ayaa dib ugu laabtay degmada Carmo ee gobolka Bari waxayna la waregeen kantaroolkii degmada oo ay horay ugu sugnaayeen ciidamo katirsan laamaha ammaanka Puntland.
ilaa hadda ma aysan xirin isu socodka gaadiidka inkastoo xubno katirsan ciidankiisu sheegeen inay sugayaan gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta dowldda Puntland.

