21 C
New York

Trump oo u hanjabey Iran & dhexdhexaadiyayaasha oo rajo muujiyey.

Published:

Trump oo u hanjabey Iran & dhexdhexaadiyayaasha oo rajo muujiyey.

Xiisadda Bariga dhexe ayaa weli taagan xilli aysan Maraykanka iyo Iran si rasmi ah qalinka ugu…
Xiisadda Bariga dhexe ayaa weli taagan xilli aysan Maraykanka iyo Iran si rasmi ah qalinka ugu duugin heshiiska lagu soo afmeerayo dagaalka labada dhinac oo saamayn xooggan ku yeeshay caalamka. Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa ku goodiyey inuu xoog ku qabsan doono Marin-biyoodka caalamiga ah ee Hormuz, haddii aysan mira-dhal noqon wadahadallada uu dalkiisu kula jiro Iraan. Dhanka kalena, War-saxaafadeedka wadajirka ah ee ka soo baxay dhexdhexaadiyeyaasha ayaa lagu sheegay in Mareykanka iyo Iiraan “ay ku heshiiyeen abuurista unug ka takhalusi kara khilaafka, oo u dhexeeya dhinacyada.

Waxaa kale, oo heshiiska ku cad nuqulo muujinaya in la hubiyo joojinta hawlgallada milatari ee Lubnaan ay ka waddo Israa’iil oo keentay in Iraan ay dib u xirto Marin-biyoodka Hormuz.

Related articles

Recent articles

spot_img