20.5 C
New York

Khasaaraha qarax ka dhacay xarunta gaaska Qatar

Published:

Khasaaraha qarax ka dhacay xarunta gaaska Qatar

Doha (Caasimada Online) – Ugu yaraan 13 qof ayaa ku geeriyooday, dhowr iyo toban kalena way ku dhaawacmeen kadib markii qarax xooggan uu ka dhacay xarunta ugu weyn ee dalka Qatar ee lagu sifeeyo gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG), sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dalkaas. Wasiirka Tamarta ee Qatar, Sacad Al-Kaabi, oo ka hadlay masiibadan, ayaa sheegay in qaraxa ka dhacay xarunta weyn ee Ras Laffan uu ka dhashay “cilad farsamo”, wuxuuna meesha ka saaray inuu ahaa weerar ka yimid dhinac cadow ah. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in dhoofinta gaaska LNG ee Qatar aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin dhacdadan.

Wasiir Al-Kaabi oo sidoo kale ah madaxa fulinta ee shirkadda ayaa sheegay in la furay baaritaan rasmi ah si loo ogaado sababta dhabta ah ee qaraxa.
“Arrintani marnaba saameyn kuma yeelan doonto dhoofintayada aan u dirno suuqyada caalamka,” ayuu ku adkeystay wasiirku. Shirkadda QatarEnergy ayaa sheegtay in kooxaha gurmadka degdegga ah ay si dhaqso leh uga hawlgaleen goobta markii uu qaraxu ka dhacay xarunta gaaska ee Barzan, isla markaana lagu guuleystay in dabka la xakameeyo. Magaalada warshadaha ee Ras Laffan, oo qiyaastii 80 kiiloomitir waqooyi kaga beegan caasimadda Doha ayaa hoy u ah xarunta ugu weyn ee dhoofinta gaaska dabiiciga ah ee dareeraha ah (LNG) ee caalamka, iyadoo soo saarta ku dhowaad shan meelood meel sahayda LNG-da adduunka.

Wasiirka ayaa xaqiijiyay in dadka ku dhintay qaraxa ay dhammaantood u dhasheen Hindiya iyo Pakistan, halka xaaladda dadka dhaawacmay aysan mas’uuliyiintu weli faahfaahin ka bixin. Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Qatar ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in aanu jirin wax gaas ah oo ku daatay goobta, islamarkaana aanay jirin khatar ku wajahan badqabka guud ee dadweynaha. Shirkadda QatarEnergy oo maamusha xarunta, ayaan bixin faah-faahin ku saabsan goobta saxda ah ee uu qaraxu ka dhacay iyo baaxadda rasmiga ah ee khasaaraha maaliyadeed ee ka dhashay.

Dhinaca kale, Sida dalalka kale ee ku yaalla Khaliijka, Qatar ayaa horay ula kulantay weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo uga yimid dhinaca Iiraan, intii uu socday dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah iyo Iiraan. Qaraxan ayaa yimid xilli shaqaaluhu ay dib u bilaabayeen hawlgallada xarunta gaaska, taas oo hawlaheeda la hakiyay kadib weerarkii Iiraan ay qaaday bishii Maarso ee sannadkan.
“Tani waxay ahayd shil caadi ah, mana ahayn fal kharbudaad ama weerar cadow. Wax-soo-saarka warshadda waxaa si ku meel gaar ah loo joojiyay tan iyo bishii Diseembar 2025 sababo la xiriira dayactir degdeg ah, waxaana dib loo bilaabay laba maalmood ka hor oo keliya,” ayuu yiri Al-Kaabi.

Bishii Maarso 2026, dowladda Qatar ayaa ku dhawaaqday in xaruntan warshadeed uu soo gaaray “khasaare weyn” kadib weerarro gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn oo ay Iiraan ku qaaday.

Related articles

Recent articles

spot_img