Golaha Arlaadi ayaa si adag uga soo horjeestay in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo asteeyo beesha Digil iyo Mirifle, taas oo haatan doorashadiisa la qabanayo 10-ka August 2026.
Wararka Soomaaliya
Golaha Arlaadi ayaa diiday isku day kasta oo lagu doonayo in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya loo asteeyo beesha Digil iyo Mirifle, isagoo sheegay in arrintaasi ay ka hor imaanayso himilooyinka siyaasadeed iyo xuquuqda dastuuriga ah ee beesha.
War-saxaafadeedka Arlaadi ayaa lagu sheegay in masiirka siyaasadeed ee Digil iyo Mirifle aanu ku koobnayn hal xil oo qaran, balse beeshu ay xaq u leedahay inay si siman ugu tartanto dhammaan jagooyinka ugu sarreeya dalka, sida Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Ra’iisul Wasaaraha iyo xilalka kale ee dowladda federaalka.
“Masiirka siyaasadeed ee Digil & Mirifle laguma koobi karo mana aha in lagu koobo hal xil oo keliya,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Faahfaahinta
Sidoo kale wuxuu carrabka ku adkeeyay in qof kasta oo aqbala xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka isaga oo u arka saamiga siyaasadeed ee ugu dambeeya ee beesha, uu dhaawacayo halgankii dheeraa ee loo soo galay matalaad siman iyo ka-qaybgal buuxa oo siyaasadeed.
“Qof kasta oo xilkaas ku aqbala magaca beesha isagoo beddel uga dhigaya himilooyinka qaran ee ballaaran ee beesha, inuu yahay jebin culus oo lagu sameeyey kasoonidii ay shacabka u dhiibteen, khiyaano loo geystay halgankii dheeraa ee beesha ugu jirtay matalaad siman.”
Arrintan ayuu goluhu ku tilmaamay mid wiiqi karta dadaallada lagu xaqiijinayo sinnaanta siyaasadeed ee dalka.
Saamaynta
Bayaankan waxaa soo saaray Golaha Arlaadi, waxaana saxiixay xubno ay ka mid yihiin: Prof. Abdi Mohamed Kusow, Prof. Mohamed Haji Mukhtar iyo xubo kale oo golaha ka tirsan.
Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran
Bayaan Deg-deg ah oo Looga Soo Horjeedo in Guddoomiyeha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Loo Astaaysto Beesha Digil & Mirifle
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

