Dunida maanta

Soomaaliya oo si adag u cambaareysay magacaabista safiirka Israa'iil ee Somaliland
Soomaaliya

Soomaaliya oo si adag u cambaareysay magacaabista safiirka Israa'iil ee Somaliland

2 daqiiqo akhris

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegtay in tallaabadaasi ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Soomaaliya waxay si adag u cambaareysay waxa ay ku tilmaantay aqoonsiga la sheegay ee Israa'iil siisay safiir ka jooga Somaliland, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ku eedaysay tallaabadaasi in ay xadgudub ku tahay madaxbannaanida iyo midnimada dalka.

Dowladda Soomaaliya oo diiday tallaabada

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa qoraal ku soo dhigtay barta Facebook waxayna ku tidhi tallaabooyinkan oo la qaaday iyada oo aanay jirin oggolaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si cad ugu xadgudbayaan madaxbannaanida, wadajirka dhuleed iyo midnimada Soomaaliya. Wasaaraddu waxay intaa ku dartay in Soomaaliya gebi ahaanba diiddan tahay tallaabooyinkan, waxayna u aqoonsanaysaa kuwo aan wax sharci ah lahayn, wax saamayn sharciyeed ahna aan yeelan karin.

Hargeysa iyo shuruudaha Heshiiska Vienna

Wasaaraddu waxay kaloo sheegtay in Hargeysa iyo guud ahaan gobolka Somaliland ay weli yihiin qayb lama taabtaan ah oo aan laga goyn karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxay ku caddaysey in samaynta xiriir diblomaasiyadeed iyo furitaanka xarumo diblomaasiyadeed oo joogto ah ay u baahan yihiin oggolaanshaha dawladda madax-bannaan sida uu dhigayo Heshiiska Vienna ee Xiriirrada Diblomaasiyadeed, islamarkaana aanay jirin tallaabo hal dhinac ah oo ka gudbi karta shuruuddaas ama wax ka beddeli karta xaaladda sharci ee dhulka Soomaaliya.

Dalabka Soomaaliya iyo safiirka la magacaabay

Wasaaraddu waxay sheegtay in tallaabadan ay soo xoojineyso aqoonsiga ay ku tilmaantay mid sharci-darro ah ee Israa'iil bishii Diseembar 2025 siisay Somaliland. Waxay intaa ku dartay in Soomaaliya ay Israa'iil ka dalbanayso in ay si degdeg ah uga noqoto tallaabooyinkan, isla markaana ay ugu baaqeyso dhammaan dawladaha iyo ururrada caalamiga ah in ay diidaan kana fogaadaan wax kasta oo sharciyad siin kara.

Michael Lotem ayaa warqadaha aqoonsigiisa u gudbiyay madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), kaas oo si rasmi ah u aqbalay intii lagu guda jiray xaflad ka dhacday magaalada Hargeysa halkaas oo mas'uuliyiintu ay dhagax-dhigeen dhismaha safaaradda Israa'iil. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Israa'iil ayaa Axaddii shaacisay dhacdooyinkan iyadoo sheegtay in ay qabsoomeen toddobaadkii hore, hase yeeshee lama sheegin meesha uu safiirku wakhtigan ka wadi doono shaqadiisa.

Ku biir Telegram-ka WararkaWararka cusub oo Af-Soomaali ah, maqaallo dhammaystiran iyo koobidda subax iyo fiid.
Ilaha iyo xuquuqda sawirka

www.bbc.com

Sawir: BBC Somali Xigasho

Wararka La Xiriira

Daraasad: Haweenka Soomaaliyeed oo hormuud u ah biyaha, cuntada iyo nabadda
Soomaaliya

Daraasad: Haweenka Soomaaliyeed oo hormuud u ah biyaha, cuntada iyo nabadda

Sahra Ahmed Koshin iyo Newman Tekwa ayaa qoray maqaal lagu magacaabo 'Women, Water and Peace:…

ReliefWeb Updates•Nov 4, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy