WARARKA

Dunida maanta

Madaxweyne Cirro oo ku wajahan Imaaraadka iyo Maraykanka, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu u socdo Washington
Somaliland

Madaxweyne Cirro oo ku wajahan Imaaraadka iyo Maraykanka, halka Madaxweyne Xasan Sheekh uu u socdo Washington

2 daqiiqo akhris

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa ku wajahan dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, halkaas oo uu uga sii gudbi doono dalka Mareykanka, xilli ay Somaliland waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah.

Safarka Madaxweyne Cirro iyo ujeeddada diblomaasiyadeed

Madaxweyne Cirro ayaa la filayaa inuu inta uu ku sugan yahay Imaaraadka iyo Maraykanka uu kulamo la yeesho mas'uuliyiin iyo dhinacyo siyaasadeed si uu ugala hadlo arrimaha la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Somaliland.

Somaliland waddo dadaallo diblomaasiyadeed oo ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah, gaar ahaan taageero uga timaadda dalalka reer Galbeedka iyo Khaliijka Carabta, iyadoo ujeeddada safarka ay tahay inay indhaha caalamka ugu soo jeediso aqoonsi la siiyo kadib Israa'iil.

Jawaabta Dowladda Federaalka Soomaaliya

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa inay Mareykanka u direyso wafdi sare, iyadoo ujeeddada safarka lagu sheegay inay tahay ka hortagga dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee Somaliland ku doonayso inay ku hesho aqoonsi caalami ah.

Dowladda Federaalka ayaa muddo dheer ku adkaysanaysay in Somaliland ay qayb ka tahay Soomaaliya, isla markaana aysan jirin cid si gooni ah uga wakiil noqon karta dalka, kadib go'aankii ka soo baxay maamulka Yuhuudda ee ku aadanaa aqoonsiga xukuumadda Hargaysa.

Shirka Qaramada Midoobay ee Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Dowladda federalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lafilayaa inuu bilowga bishaan gaaro dalka Maraykanka oo uu kaga qaybgeli doono shir Qaramada Midoobey ku casuntey.

Inkastoo lagu cadaadinayo inuu heshiis la gaaro mucaaradka kadib safarkiisa Ameerika, haddana waxaa la filayaa inuu uga qaybgalo shirka Qaramada Midoobay ee ka dhacaya dalka Mareykanka.

Ilaha iyo xuquuqda sawirka

Wararka La Xiriira

Cabdiraxmaan Cirro: Mashruuca Soomaali-weyn wuxuu keeni karaa dagaal iyo burbur
Somaliland

Cabdiraxmaan Cirro: Mashruuca Soomaali-weyn wuxuu keeni karaa dagaal iyo burbur

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in isku dayga lagu…

Caasimada•Sep 25, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy