
Muwaadinka Australia oo lagu xukumay ganaax iyo inuu Somaliland ka baxo kadib inuu isku dayay dhoofinta Caasha-badhi
Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee Somaliland ayaa shaacisay in ciidanka boolisku ay gacanta ku dhigeen muwaadin u dhashay dalka Australia oo isku dayayay inuu dalka ka tahriibiyo nooc ka mid ah xamaaratada loo yaqaanno Caasha-badhi ama Daba-saqafle oo xeebaha laga helo.
Xukun iyo Baaritaannada Socda
Agaasimaha Waaxda Duur-joogta ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada Somaliland, Cabdinaasir Xuseen Saciid, ayaa sheegay in eedeysanaha loo gudbiyay Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud, halkaas oo Maxkamaddu ay ku riday xukun ah inuu bixiyo ganaax dhan 40 Milyan oo Shilinka Somaliland ah iyo inuu dalka ka baxo muddo 24 saacadood gudahood ah. Darawalkii la socday ninkan ayaa isna xabsi ku jira, halka ay socdaan baaritaanno lagu beegsanayo dadkii dalka soo geliyay iyo shabakadda ka dambeysa tahriibinta duur-joogta.
Wasaaraddu waxay sheegtay in kiisas kale oo la xiriira tahriibinta duur-joogta loo qabtay dad kale, ayna qaadi doonto tallaabooyin adag si mustaqbalka looga hortago falalka noocan ah. Xeerka Ilaalinta Duur-joogta ee Somaliland ayaa si cad u mamnuucaya in duur-joogta la dilo, la qabto ama laga ganacsado, waxaana ciqaab adag ay ka dhalanaysaa cid kasta oo ku xad-gudubta, ajaanib iyo muwaadinba.
Xayawaanka Caasha-badhi iyo Sababta Dhoofinta
Caasha-badhi waa xayawaan ka mid ah xamaaratada, gaar ahaan bahda mulacyada ee noocyada kala duwan leh. Xayawaannada ay isku haybta yihiin waxa uu uga duwan yahay qaabka ay u samaysan tahay sayntiisa, oo u eg sida gaashaanka loo adeegsado dagaalka. Waxaa markii ugu horraysay la arkay sanadkii 1935-kii, xilligaas oo uu askari ka tirsanaa ciidamadii gumaysiga Ingiriiska ka helay dhul saxare ah oo ka mid ah deegaannada kulul.
Soomaaliya iyo Itoobiya oo keliya ayaa laga helaa xayawaankan oo ka mid ah noocyada dhiigga qabow. Ma aha xayawaan wayn, Dhirirkiisu waa 10 cm oo ay ku jirto seyntiisa cajiibka ah. Suuqyada online-ka haddii aad eegto waxaad arkaysaa bogag badan oo lagu kala iibiyo Caasha-badhida, halkii xabbo ee Caasha-badhi ah ayaa lagu iibiyaa qiyaastii $600, taasoo dabcan u muuqata inay tahay sababta ay dad badan u danaynayaan inay dhoofiyaan noolahan.
Somaliland authorities have arrested an Australian national attempting to smuggle a critically endangered tortoise species known as the Caasha-badhi. The suspect was sentenced to a fine of 40 million Somali Shillings and ordered to leave the country within 24 hours after being caught by police.
Legal Action and Ongoing Investigation
The suspect, who had arrived in Somaliland for tourism, was reported by local residents to the police for digging up tortoises in the bush. Along with his driver, who is currently in prison, the man was taken to the General Legal Protection Office. There, the court imposed a heavy penalty of 40 million Somali Shillings and a mandatory deportation order effective within 24 hours.
While the immediate case is resolved, investigations continue to identify the individuals who originally brought the animal into the country and the broader network responsible for the smuggling operation. The Ministry of Environment and Climate Change has indicated that similar cases involving wildlife trafficking will be met with severe penalties to deter future violations.
Profile of the Endangered Species
The Caasha-badhi, also known as Daba-saqafle, is a small, cold-blooded tortoise found exclusively in Somalia and Ethiopia. First documented in 1935 by a British colonial officer in the hot regions of the Sahara, this species belongs to the mulay tortoise family and features a shell approximately 10 cm in size.
The animal's scientific structure resembles armor used in warfare, serving as a primary defense mechanism. When threatened, the tortoise burrows into a hole and covers the entrance with its shell to avoid predators. Despite its rarity and unique defensive traits, it is currently on the verge of extinction due to illegal trade.
Ilaha iyo xuquuqda sawirka
Sawir: BBC Somali Xigasho



