
Labo xildhibaan oo Labour ah oo ka baxay guddiga baarlamaanka UK ee Somaliland
Kerry McCarthy ayaa hakad gelisay ka qaybgalkeeda ilaa Gavin Williamson uu xilka ka dego
Labo xildhibaan oo ka tirsan xisbiga Labour-ka ee UK ayaa ka baxay guddiga baarlamaanka UK u qaabilsan arrimaha Somaliland, iyagoo ku tilmaamay isbeddel ku yimid jihada guddigaas, sida ay warbaahinta Middle East Eye baahisay.
Is-casilaadda Kim Johnson iyo Abtisam Mohamed
Kim Johnson, oo ah xildhibaanadda Liverpool Riverside isla markaana horay u ahayd guddoomiye ku-xigeenka guddiga, ayaa iska casishay xilkeeda. Abtisam Mohamed, oo ah xildhibaanadda Sheffield Central isla markaana ahayd ku-xigeenka Johnson, ayaa iyaduna toddobaadkan iska casishay guddiga. Abtisam waxay sheegtay inay sii wadi doonto taageerada shacabka Somaliland, balse ay u baxday khilaaf muddo soo jiitamayay oo ku saabsan jihada uu u socdo guddiga.
Johnson waxay sheegtay in munaasabad bishii May lagu qabtay baarlamaanka UK oo lagu xusayay sannad-guurada gooni-isu-taagga Somaliland ay si degdeg ah uga baxday markii ay maqashay in sarkaal ka socda dowladda Israa'iil uu imaanayo goobta. Waxay intaas ku dartay in aqoonsiga Israa'iil ee bishii December 2025 uu beddelay ujeeddadii iyo ruuxii guddiga, isagoo kala qaybsanaan weyn ka dhex abuuray jaaliyadaha gudaha UK.
Kerry McCarthy oo hakad gelisay ka qaybgalkeeda
Kerry McCarthy, oo ah xildhibaanadda Bristol East oo wax ka aasaastay guddiga sanadkii 2005-tii, ayaa joojisay ka qaybgalka dhammaan howlaha guddiga ilaa uu xilka ka degayo guddoomiyaha guddigaas, Gavin Williamson oo ka tirsan xisbiga Conservative-ka. Guddiga ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo ka hor fasaxii xagaaga ee baarlamaanka.
Xildhibaanadda waxay tallaabada Williamson ku tilmaantay khiyaano laga galay jaaliyadda Somaliland ee ku nool UK, iyadoo xustay in dad badan oo kasoo jeeda Somaliland ay Britain ku yimaadeen qaxootinimo kadib dhibaatooyinkii ka dhacay waqooyiga Soomaaliya sanadihii 1980-meeyadii. Bishii June, Williamson ayaa saxiixay warqad uu qoray hoggaamiyaha xisbiga Restore Britain Rupert Lowe, taas oo lagu dalbanayay in dalka laga musaafuriyo qaxootiga ku yimid waddooyinka sharciga ah.
Xiriirka Israa'iil iyo Somaliland oo sii xoogeystay
Tan iyo markii Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa'iil Gideon Saar uu booqday Hargeysa bishii Janaayo, Israa'iil waxay bilowday tababarka ciidamada Somaliland, halka Hargeysa ay bishii June safaarad ka furatay magaalada Qudus. Xafiiska Williamson oo maamula xoghaynta guddiga ayaa sheegay in aanu wax door ah ku lahayn martiqaadka sarkaalka Israa'iil, isagoo sheegay in ay fahamsan yihiin in sarkaalkaas ay casuuntay wakiilka Somaliland u fadhiya UK.
Warbixin uu guddiga soo saaray bishii June 2025 oo uu qoray Williamson ayaa lagu ammaanay khayraadka shidaalka, gaaska iyo macdanta dhifka ah ee Somaliland, iyadoo lagu dooday in aqoonsiga Somaliland uu UK u sahli karo inay saldhig milatari ka samaysato dekadda istiraatiijiga ah ee Berbera.
Kim Johnson and Abtisam Mohamed resign, while co-founder Kerry McCarthy suspends involvement until Conservative chair Sir Gavin Williamson steps down
Two Labour MPs have resigned from the All-Party Parliamentary Group on Somaliland, and its co-founder has suspended her involvement, after Israel's recognition of the territory and the chair's ties to the hard-right Restore Britain party, Middle East Eye reported.
Resignations and a Suspension
Kim Johnson, the Liverpool Riverside MP and former co-chair, and Abtisam Mohamed, the Sheffield Central MP and former vice-chair, resigned from the group. Kerry McCarthy, the Bristol East MP who co-founded the APPG in 2005, suspended her involvement until Conservative chair Sir Gavin Williamson steps down. The group has not met since before the parliamentary summer recess.
A May Event and a Changed Ethos
Johnson said she left a May event in Parliament marking the anniversary of Somaliland's self-declared independence immediately upon learning an Israeli government official was expected. "When I heard there would be an Israeli government official there, I just left the event as quickly as I could," she said. She said Israel's December 2025 recognition had altered the group's "whole ethos," deepening community divisions and, in some cases, leading to attacks on people holding pro-Palestinian views.
Restore Britain Letter and a "Betrayal"
Mohamed said she would "continue to support the aspirations of the Somaliland people" but had quit over "long-term differences over the direction the APPG is taking." In June, Williamson signed a letter by Restore Britain leader Rupert Lowe calling for the mass deportation of refugees admitted via safe and legal routes. The letter stated: "Put simply – we do not want these people in our country." McCarthy described the endorsement as a "betrayal" of Somaliland's UK communities, many of whom arrived as refugees fleeing persecution of the Isaaq clan in the 1980s.



