Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib safar uu…
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dib ugu soo laabtay magaalada Garoowe kadib safar uu ku tagay dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta, iyadoo ay garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, saraakiil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka Puntland.
Madaxweyne Deni ayaan wax faahfaahin ah ka bixin safarka uu kaga yimid Imaaraadka Carabta, iyadoo safarkan uu kamid yahay booqashooyin dhowr ah oo uu muddooyinkii dambe ku tagay dalkaas, iyadoo aan shacabka lala wadaagin xog ku saabsan ajandayaasha iyo kulamada uu la yeeshay madaxda iyo hay’adaha kala duwan ee Imaaraadka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin waxyaabaha kasoo baxay.
Wararka ka imaanaya xarumaha dowladda Puntland ayaa sheegaya in la filayo in madaxweynuhu sameeyo isku shaandhayn iyo isbeddello maamulka sare ah, gaar ahaan agaasimayaasha guud ee qaar kamid ah wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda.
Soo laabashada Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ku soo aadaysa xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta khilaafaadka doorashooyinka, amniga iyo wada-hadallada u dhexeeya dowladda federaalka iyo mucaaradka.

