23.2 C
New York

Maxaa laga yaqaannaa Shiikha ay geeridiisu baraha bulshada qabsatay Shiikh Qaasim Naaji ?

Published:

Allaha u naxariistee waxaa goor dhow la xaqiijiyey geerida Allaha u naxariistee Sheekh Qaasim Naaji Yaasheey oo ka mid ahaa culimada iyo dadka aadka looga yaqaanay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Marxuumka ayaa muddo dheer ahaa Mu’adinka masaajid ku yaalla degmadaasi, isagoo si joogto ah ugu adeegayay bulshada iyo cibaadada masaajidka, balse maanta ayay qadartii Alle u timid, waxaana la sheegay inuu gudaha masaajidka ku dhacay, xilli uu qeybta weesada u socday, sidaas uu ku geeriyooday.

Sheekh Yaasheey ayaa dhawaan si weyn looga hadal hayay baraha bulshada kadib markii uu kasoo muuqday muuqaal uu kaga cabanayay barakicin iyo burburin lagu sameeyay gurigii iyo dhulkii uu deganaa, arrintaas oo dhalisay dareen iyo falcelin kala duwan.

Ilaa hadda lama shaacin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan sababta geeridiisa, inkastoo la xaqiijiyey inuu istaagga ka dhacay daqiiqado ka hor salaaddii duhur, xilli uu doonayay inuu weeso qaato, dad badan ayaana baraha bulshada ku baahinaya tacsi iyo duco ay ugu dirayaan marxuumka.

Shiikh Qaasim wuxuu dhashay sanadkii 1930-kii, asagoo ku geeriyooday da’da 95 sano, wuxuuna intuu noolaa waqtigiisa u huri jiray faafinta diinta Islaamka, asagoo muddo dheer Imaam iyo mu’adin ka ahaa masaajid ku yaalla degmada Shibis.

Related articles

Recent articles

spot_img