TUBSAN iyo Talyaaniga oo xoojinaya dagaalka argagixisada
Muqdisho, 06 Juun 2026 – Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Ladagaallanka Argagixisada iyo Kahortagga Fikirka Xagjirka ah ee Tubsan, Mudane Cali Yaasiin Gurbe, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Hoggaanka Ciidanka Qaranka Talyaaniga (IT-NCC), Col. Marco De Gruttula, oo ka hawlgala Soomaaliya, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta wada-shaqaynta iyo dardargelinta hawlaha lagu dagaallamayo argagixisada iyo fikirka xagjirka ah. Col. Marco De Gruttula ayaa sheegay in Talyaanigu uu sii wadi doono taageerada xarunta Tubsan, gaar ahaan dhinacyada awood-u-qaadista iyo qalabaynta.
“Mashaariicda la fuliyay – oo ay ka mid yihiin garoonka kubadda kolayga, fasalka lagu barto xirfadda harqaanka, iyo jikada guud – waxay isbeddel muuqda ku soo kordhiyeen nolosha iyo tababbarka dhalinyarada.”
Agaasimaha ayaa intaas ku daray in dowladda Soomaaliya ay diyaar u tahay joogtaynta iyo xoojinta iskaashigan muhiimka ah, isagoo uga mahadceliyay hoggaanka IT-NCC hadiyaddii ay guddoonsiyeen. Hoggaanka Iskaashiga Rayidka iyo Ciidanka (CIMIC) ayaa Agaasimaha Guud ee Tubsan guddoonsiiyay hadiyad gaar ah, taas oo astaan u ah xiriirka wadashaqayn iyo saaxiibtinimo ee qotadheer. Waxaa xusid mudan, Kulankan ayaa yimid iyadoo xarunta dhaqan-celinta ee Serendi ay ka mid tahay meheradaha muhiimka ah ee lagu soo celiyo dhalinyarada ka soo laabata kooxaha xagjirka ah, iyadoo iskaashiga Soomaaliya iyo Tal

