23.2 C
New York

Uganda oo ku dhawaaqday in ciidankeedu aysan qayb ka noqon doonin xiisadda Somalia.

Published:

Dowladda Uganda ayaa caddeysay in ciidamada ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya…

Dowladda Uganda ayaa caddeysay in ciidamada ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee taageerada iyo xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) aysan wax lug ah ku yeelan doonin khilaafaadka siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, xilli ay soo baxayaan doodo iyo walaac la xiriira xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorka ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Afhayeenka ku-meel-gaarka ah ee Ciidamada Difaaca Uganda (UPDF), Kornayl Chris Magezi, ayaa sheegay in waajibaadka ciidamada Uganda ee Soomaaliya uu ku kooban yahay taageeridda amniga, la dagaallanka kooxaha argagixisada iyo ilaalinta xasilloonida, balse aysan qeyb ka noqon doonin murannada siyaasadeed ee gudaha dalka.

“Waa ka baxsan tahay waajibaadka UPDF ee Soomaaliya in ay ku lug yeeshaan arrimaha gudaha dalka,” ayuu yiri Kornayl Magezi, isaga oo adkeeyay in ciidamada Uganda ay sii wadi doonaan fulinta howlaha loo igmaday ee la xiriira amniga iyo taageerada dowladda Soomaaliya.

Mowqifka Uganda ee ku aaddan dhexdhexaadnimada arrimaha siyaasadda Soomaaliya, ayaa imaanaya xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya hoggaanka DFS iyo mucaaradka.

Related articles

Recent articles

spot_img