More

    Xuseen Sh. Cali oo faafaahiyay hubkii soo galay dalka, iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab?

    Published on:


    Dowladda Soomaaliya waxa ay horey u sheegtay in hubkaas si sharcidarro ah dalka looga soo geliyey dhinaca Itoobiya oo ay qabatay islamarkaana ay galbinayeen ciidamada dawladda markii ay jidgooyo u dhigteen maleeshiyaad hubaysan, meel u dhow magaalada Caabduwaaq ee gobolka Galguduud, taasina ay sababtay in hubka qaar uu gacanta u galo maleeshiyaad hubaysan, 15-kii Julay.
    Dawladdu waxa ay sheegtay in hubkaasi ay dalka soo geliyeen kooxo ka ganacsada hubka sharci-darrada ah. Dawladda ayaa ku amartay wasaaradda caddaaladda in dadkii ku lugta lahaa falalkaas sharci-darrada degdeg caddaaladda loo marsiiyo.
    Dhinaca kale, arrintan hubkan soo galay waddanka iyo hawlgallada ka dhanka ah al-Shabaab, waxaan toddobaadii hore wax ka weydiinay La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Sheekh Cali oo nagu soo booqday xarunta VOA. Haaruun Macruuf ayaa warasyigaas la yeeshay.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here