Maamulka Galmudug ayaa ka digay safarka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku marayo deegaannada bari…
Wararka Soomaaliya
Maamulka Galmudug ayaa ka digay safarka Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu ku marayo deegaannada bari ee gobolka Mudug, isagoo sheegay in aan la doonayn in safarkaasi uu gaarsiisnaado deegaanno uu maamulka Galmudug ka arrimiyo.
Wasiirka Dekedaha Galmudug ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ku sheegay in isku dayga Madaxweynaha Puntland uu ku tagayo deegaanno ka tirsan Galmudug uu horseedi karo isku dhac bulsho iyo mid maamul, isagoo xusay in tallaabadaasi ay khatar ku tahay xasilloonida gobolka, isla markaana ay dib u hurin karto colaado hor leh oo bulshada deegaanka soo wajahda.
Galmudug ayaa ku baaqday in xaaladda Mudug looga shaqeeyo nabad iyo dib-u-heshiisiin, iyadoo sheegtay in dadka ku nool deegaannadaasi ay u baahan yihiin in laga fogaado tallaabo kasta oo abuuri karta xiisad cusub.
Faahfaahinta
“Waxaan ka digaynaa safarka Madaxweynaha Puntland, Deni, uu ku marayo deegaannada Bari ee gobolka Mudug, inuu ku tago deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug, Isku dayga in la tago deegaanno ka tirsan maamulka Galmudug waxay horseedi kartaa isku dhac bulsho iyo maamul, iyo hurinta colaado hor leh, Bulshada ku dhaqan deegaannadaas waxay u baahan yihiin dib-u-heshiisiin iyo in nabadda si wadajir ah looga shaqeeyo”, Ayuu yiri Wasiirka dekedaha Galmudug.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

