27 C
New York

Xog: Kulankii FARMAAJO iyo Shariif oo khilaaf ka dhex abuuray Golaha Mustaqbalka

Published:

Isbaheysiga mucaaradka ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa iska fogeeyey kulan gaar ah oo Khamiistii dhexmaray madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed, kaas oo ka dhacay hoyga Shariif Sheekh Axmed ee magaalada Muqdisho.

Wararka Soomaaliya

Xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka oo ku sugan Muqdisho iyo Nairobi, kuwaas oo codsaday inaan magacyadooda la shaacin, ayaa sheegay in aysan horay uga warqabin kulanka, isla markaana uusan ahayn kulan lagu matalayey isbaheysiga.

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhow labada madaxweyne hore ayaa xaqiijiyey in kulanka Farmaajo iyo Shariif uu socday ku dhowaad saddex saacadood, iyadoo inta badan diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka weli ka taagan hannaanka doorashooyinka.

Sida ay sheegayaan ilo wareedyadu, Shariif Sheekh Axmed ayaa Farmaajo kala hadlay muhiimadda ay leedahay in la isu soo dhoweeyo mowqifyada dhinacyada mucaaradka ee arrimaha doorashada, si cadaadis siyaasadeed loo saaro madaxda dowladda federaalka looguna qasbo inay heshiis doorasho la gaaraan mucaaradka.

Faahfaahinta

Kulanka ayaan, sida xogtu tilmaamayso, lagu soo qaadin suurta-galnimada in Farmaajo uu ku biiro Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, inkastoo kulanka labada madaxweyne hore uu sare u qaaday hadal-heynta ku saabsan isbaheysiyada siyaasadeed ee laga yaabo inay sameysmaan ka hor doorashooyinka dalka.

Xiriirka Shariif iyo Farmaajo

Shariif Sheekh Axmed ayaa ah hoggaamiyaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, hase yeeshee sidoo kale wuxuu xiriir toos ah la leeyahay Farmaajo iyo siyaasiyiinta ku xeeran madasha Nabad iyo Nolol.

Saamaynta

Xiriirkaas ayaa Shariif ka dhigaya siyaasi awood u leh inuu isku xiro labada dhinac, xilli kala duwanaansho uu weli ka jiro qaabka mucaaradku uga falcelinayo qorshaha doorasho ee dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo ku dhow dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ayaa sheegaya in Shariif uu hadda qiimeynayo sida ay isu beddelayaan isbaheysiyada siyaasadeed, gaar ahaan xiriirka u dhexeeya Golaha Mustaqbalka iyo Nabad iyo Nolol.

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe hormuud ka ahaa mucaaradka ka soo horjeeda hannaanka doorasho ee dowladda federaalka, isaga oo ku adkeysanaya in heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay laga gaaro qaabka dalka loogu gudbayo doorashooyinka soo socda.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Related articles

Recent articles

spot_img