More

    Xamza oo ka digay ciidan uu sheegay in lagu daabulayo Kismaayo

    Published on:


    Muqdisho — 
    Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamzz Cabdi Barre ayaa sheegay in magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbland laga daabbulayo ciidamo uu tilmaamay in loogu talagaly inay la dagaallamaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ee dhowaan loo geeyay deegaan ka mid ah dalka, si ay ula wareegaan meelaha ay ka baxeen ciidamada nabad ilaalinta ATMIS.
    Hadalkiisa ayaa imanaya iyadoo maamulka Jubaland uu ku dhawaaqay inay si rasmi u joojiyeen xiriirkii iyo wadashqeyntii ay la lahaayeen dowladda federaalka ee Soomaaliya, kadib markii hoggaanka sare dalka ku eedeeyeen xadgudub dastuurka ah, iyo inay ciidamo geeyeen deegaanno nabdoon.
    Warbixinta waxaa diyaariyay wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Samakaab oo jooga Washington D.C.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here