Muqdisho — 
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay booqashooyin isdaba joog ah ku kala bixiyay, wadamada Uganda, Brundi iyo Jabuuti.Sadexdan wadan ayaa ciidamo ka socdaa ay qeyb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ee waqtigu ka dhamaanayo dhamaadka bisha December ee sanadkan.Haddaba booqashooyinka madaxweynaha maxay daaran yihiin? Maxamed Colaad Xassan ayaa su’aashaasi iyo kuwo kale weydiiyay Prof. Liibaan Ciise oo bare ka ah Jaamacadda Muqdisho kana falooda arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Geeska Africa.
