More

    Ra’isil-wsaare Xamza oo dhiirgeliyay maalgashiga dalka

    Published on:


    Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in la gaaray waqtigii hay’adaha madaxa-bannaan, ganacsatada iyo dowladda dhexe u midoobi lahaayeen sidii la isaga kaashan lahaa maalgashiga dalka.
    Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliyeed uu intaa raaciyay, in marka la eego kartida ganacsatada Soomaalida iyo dhaqaalaha ay haystaan aan la iska indho tirin karin in dowladda ay garab u noqoto si loo gaaro isku filnaan dhaqaale, loona xalilo mashaakillo badan oo jira.
    Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa hadalkaan ka jeediyay Madasha Magan oo qabatay dood cilmiyeed ku saabsan sidii ganacsatada iyo dowladda iyaga oo mideysan ay uga shaqeyn lahaayeen maalgashiga.
    Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin arrintaasi ku saabsan inoo soo diray.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here