19.1 C
New York

Puntland oo eedeysay Dowladda Federaalka, baaqna u dirtay Galmudug iyo shacabka reer Puntland

Published:

Puntland War-Saxaafadeed Ku Saxaartay

Puntland ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay maanta ku sheegtay inay si adag u cambaareyneyso waxa ay ku tilmaantay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu wado Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

Puntland waxay ku eedeysay tallaabooyinkaas inay halis ku yihiin colaado hor leh iyo xasilloonida nidaamka dowladnimada Puntland.

Puntland ayaa sidoo kale caddeysay in ciidanka keliya ee sharci ahaan uga hawlgali kara deegaannadeeda ay yihiin Ciidamada Difaaca Puntland (PSF), isla markaana aysan aqbali doonin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka howlgala gudaha Puntland.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale fariin loogu diray Dowladda Galmudug iyo beesha caalamka, iyadoo Puntland ugu baaqday Galmudug inay ka fogaato ku lug yeelashada dhaqdhaqaaqyo ciidan ama maleeshiyaad lagu dhibaateynayo shacabka reer Puntland, isla markaana la xoojiyo deris wanaagga, iskaashiga amniga iyo nabadgelyada.

Ugu dambeyn, maamulkavPuntland waxay shacabka reer Puntland ugu baaqday inay ilaashadaan midnimada, deganaanshaha iyo dowladnimada Puntland.

Wararka.so — your trusted source for global news.

Related articles

Recent articles

spot_img