Puntland iyo PSF ciidanka ka soo saaray xiisadda u dhexaysa Karkaar
Qaar kamid ah waxgaradka iyo nabadoonada gobolka Karkaar ayaa bayaan ka soo saaray xiisadda u dhexaysa ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo kuwa PSF ee fadhigoodu yahay Magaalada Boosaaso.
War-saxaafadeedka odayaasha dhaqanka gobolka Karkaar ayaa lagu sheegay in ciidanka PSF yihiin ciidan reer Puntland ah aysanna aqbali doonin inay qaadaan tallaabooyin wax u dhimaya nabadda, wadajirka iyo midnimada guud ahaan deegaamada Puntland.
Odayaasha ayaa caddeeyey inay wadaan dedaalo lagu dhexdhexaadinayo labada dhinac isla markaana uu Madaxweyne Deni ka aqbalay inay garwadeen ka noqdaan sidii heshiis looga gaari lahaa khilaafka jira oo soo aloosnaa ilaa sanadkii 2021.
Wararka.so — your trusted source for global news.

