Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in shacabka Gobolka Mudug ay mudan yihiin abaalmarin…
Wararka Soomaaliya
Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa sheegay in shacabka Gobolka Mudug ay mudan yihiin abaalmarin iyo qadarin weyn, kaddib doorkii ay ka qaateen dhismaha, difaaca iyo dowladnimada Puntland, ayna mudan yihiin tixgelin goonni ah.
Mar uu ka hadlayey deegaanka Balli-busle ee gobolka Mudug ayuu Madaxweynaha Puntland xusay in dowladdu u abaalgudi doonto shacabka gobolka Mudug,”Gobolka Mudug waan u abaal-gudayaa, dadkiisu wax badan ayey gashadeen dowladnimada, waxay u qalmaan laba gobol & ka badan.”
Dhanka kale, Madaxweyne Deni ayaa ka hadlay xaaladda burcad-badeedda iyo qorshaha Puntland ee la dagaallanka kooxaha ka hawlgala xeebaha, wuxuuna sheegay in dowladda Puntland ay si adag ula dagaallami doonto burcad-badeedda, isagoo tilmaamay in dagaalka lagula jiro kooxahan uu hadda yahay mid ka mid ah mudnaanta ugu horreysa ee maamulka.
Faahfaahinta
“Waxaan si adag ula dagaallamaynaa burcad-badeedda, iyaga ayaan hadda u jeensanaynaa oo ku qaadaynaa dagaalka u horreeya”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayey falalka burcad-badeednimada ee ku soo badanaya xeebaha Puntland.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

