More

    Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir

    Published on:


    Muqdisho — 
    Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho u magacaabay Mudane Maxamed Axmed Amiir, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxtooyada.Maxamed Amiir ayaa beddelaya Yuusuf Xuseen Jimcaale oo xilka hayey tan iyo September 2022.
    “Madaxweynaha ayaa faray Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Iyo Duqa Muqdisho in uu sii dhammeystiro qorshayaasha horumarineed ee Caasimadda, isaga oo mudnaanta siinaya horumarinta magaalada, gaarsiinta bulshada Caasimadda doorasho dadweyne, sare u qaadista bilicda caasimadda, baahinta adeegyada aas-aasiga ah iyo adkeynta amniga,” ayaa lagu yiri bayaanka madaxtooyada.Maxamed Axmed Amiir ayaa ah aqoonyhan ka soo shaqeeyay arrimaha dhaqaalaha, horumarinta bulshada iyo maamulka iyo maaraynta.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here