saxaafadeed ku saabsan natiijada wadahadallada…
Wararka Soomaaliya
Barta rasmiga ah ee Golaha Shacabka barlamaanka Soomaaliya ayaa lagu baahiyey war-saxaafadeed ku saabsan natiijada wadahadallada u dhexeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, Mudane Cabdullaahi Maxamed Nuur, iyo Guddiga Matalaya Xildhibaannada Mucaaradka.
Wadahadallada oo ku qabsoomay jawi deggan oo walaaltinimo leh ayaa lagu heshiiyey in la isula yimaado arrimaha khuseeya habsami-u-socodka Golaha Shacabka iyo shaqada Xildhibaannada. Sidoo kale, waxaa la isla qaatay in la dhowro xeer-hoosaadka Golaha iyo in la xoojiyo wada shaqeynta xubnaha Golaha, si loo hubiyo in hawlaha Baarlamaanku si habsami leh u socdaan.
Dhinacyadu waxay isku raaceen qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin in la ilaaliyo madax-bannaanida Golaha, dib loo eego habraacyada shaqada iyo wada-shaqeynta Xildhibaannada, lana siiyo Xildhibaannada fursad ay si xor ah ugu cabbiraan aragtidooda iyo fikirradooda.
Faahfaahinta
Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaannada Mucaaradka ayaa isku raacay in la ilaaliyo sharafta iyo karaamada Baarlamaanka, la xoojiyo wadajirka Golaha, lana dardargeliyo shaqada guddiyada iyo fadhiyada Golaha Shacabka.
Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

