Maamulka Puntland ayaa sheegay in 10 kun oo qoys ay ka soo barakeceen dagaalka u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Cal Miskaad ee Gobalka Bari.
Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ururka Daacish ku eedeeyay caburin iyo barakac ay u geysteen dadka deegaannadaasi ku noolaa.
Dadka soo barakacay ayay Puntland sheegtay in hadda ay ku sugan yihin deegaanno nabad ah oo hoostaga gobalka Bari ee Puntland.
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland Axmed Siciid Qolonbi ayaa sheegay in dadkaasi aysan haysan cunno ku filan, balse ay wadaan dadaal ku aadan sidii loogu gurman lahaa. Waxa uu u warramay Wariyaha VOA ee Boosaaso, Yuusuf Maxamuud Yuusuf.
