More

    Puntland oo sheegtay in ay guulo ka gaartay dagaalka ay kula jirto Daacish

    Published on:


    Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Cabdinuur oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa uga warramay hawlgalladda ciidamadda Puntland ay kula dagaalamayaan kooxda Daacish ee ku sugan dhulka buuraleyda ah ee Cal Miskaad ee gobolka Bari iyo duqeymo loo geystay kooxdaasi.
    Wasiirku waxa uu VOA u sheegay in dhowr duqeymood oo lala beegsaday goobaha ay ku sugan yihiin kooxda Daacish ee dhulka buuraleyda ah looga dilay in ka badan tobanan Ajaaniib ah islamarkaasna ay ciidamadda Puntland ka qabsadeen fariisimo ay deegaamadaasi ku lahaayeen.
    Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku daray in ciidamadda Puntland ay soo rideen saddex diyaaradood oo nooca daroonka ah oo siday qaraxyo kuwaasi oo kooxda Daacish ay ku soo weerartay ciidamadda Puntland.
    Wariyaha VOA Faadumo Yaasiin Jaamac oo ku sugan magaaladda Nairobi ayaa Wasiirka kula xiriirtay khadka telefoonka.

    Dagaalka Puntland ee ka dhanka ah Daacish


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here