[ad_1]
Golaha Wasiirada Jubbaland oo Dowladda Federaalka ku eedeeyay inay colaad ka hurinayso Gobolka Gedo

Sidoo kale waxaa golahu uu ka digay abaabulka hubaysan ee ka socda Degmooyinka Garbahareey iyo Beledxaawo kuwaas oo sababi kara colaado daba dheeraada iyo in dhiig uu ku daato masuuliyada wixii ka yimaadana waxa ay sheegeen inuu qaadi doono Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waxa ay sidoo kale Golaha ay sheegeen in cidda Dowladda Federaalka ay xayiraada duulimaad ay kusoo rogtay kaliya yihiin Shacabka balse Madaxda Jubaland ay meesha ay rabaan u safraan.
Dhinaca kale Golaha wasiirada Jubaland ayaa bogaadiyay guulaha ay Ciidamada Puntalnd ka gaareen dagaalka Argagixisada Caalamiga ah ee Daacish.
[ad_2]
Read More

