28.4 C
New York

Musharrixiinta la tartamaya Aadan Madoobe oo war culus soo saaray

Published:

Baydhaba (Caasimada Online) – Musharrixiinta xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed ee la loolamayo Sheekh Aadan Madoobe ayaa maanta soo saaray bayaan culus oo ay walaac uga muujiyeen hannaanka doorashada oo lagu wado in 10-ka bishan ay ka dhacdo magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay.

Warsaxaafadeed ay soo saareen musharixiinta kala ah Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdicasiis Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa marka hore farriin loogu diray wakiilada beesha caalamka iyo dadka Soomaaliyeed oo laga dalbaday inay si dhow ula socdaan hufnaanta doorashadaas oo isha lagu hayo.

Sidoo kale, waxay ay tilmaameen in ka qaybgalka doorashada ee Sheekh Aadan Madoobe oo aan weli iska casilin xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ay ka hor imaaneyso hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.

“Annagoo kala ah labada Musharax ee Hogaamiyaha Dowlad Goboleedka KGS Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Dr Cabdicaziiz Maxamed Sh Cismaan Jawaari, waxaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaan dadka ku dhagan deegannada Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay si dhow ula socdaan doorashada Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ee la filayo in ay qabsoonto 10-ka Juun 2026, taas oo ay hareeyeen walaacyo isa soo taraya oo ku saabsan hufnaanta, caddaaladda

Labada musharax ayaa sidoo kale xusay in uu jiro qorshe lagu beddelayo nidaamka qarsoodiga ah ee codbixinta, isla markaana cadaadis iyo cabsi gelin lagu hayo xubnaha baarlamaanka ee soo dooranayo madaxweynaha cusub.

“Waxaa muuqata dadaal lagu doonayo in lagu cabburiyo xorriyadda codbixinta, laguna beddelo nidaamka qarsoodiga ah ee codbixinta hannaan ku saleysan cabsi gelin, cadaadis iyo dabagal,” ayaa mar kale lagu yiri bayaanka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Waa arrin aan hore loogu arag doorasho dastuuri ah in musharrax u taagan xilka ugu sarreeya ee Dawlad Goboleed uu si cad uga horyimaado mabda’a codbixinta qarsoodiga ah ee uu dastuurku dammaanad qaaday. Hadallada iyo dhaq-dhaqaaqyada soo baxaya waxay muujinayaan faham siyaasadeed oo khatar ku ah dimugraadiyadda, isla markaana dhaawacaya xorriyadda xildhibaanka.

Doorashada Koonfur Galbeed oo kusoo aaday xilli xasaasi ah ayaa si weyn isha loogu hayaa, waxaana saameyn xoogan ku leh dowladda Soomaaliya oo horay meesha uga saartay maamulkii uu horkacayay Cabdicasiis Lafta-gareen.

Related articles

Recent articles

spot_img