28.4 C
New York

Xildhibaan Gobsan oo shaacisay in hal milyan lagu lunsaday XAJKA

Published:

Muqdisho (Caasimad Online) – Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo galabta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa si kulul hadlay dhibaatooyin ay sheegeen in sanadkan loo gaystay Xujeyda Soomaaliyeed, iyaga oo eedeyn culus u jeediyay Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka Xukuumadda Federaalka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur).

Xildhibaan Gobsan Muxamad oo ka mid ah Xildhibaannada sanadkan tegay Xajka ayaa eedeymo musuq-maasuq u jeedisay wasiirka iyo walaalkiis, iyada oo shaacisay lacag ka badan hal milyan oo dollar ay lunsadeen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Dowladaha la siinaayo Xajka waxaa jirto wax la yiraahdo Biciso oo loogu talagalay in dadka ay adeeg u qabtaan oo u qitmeeyaan Bicisooyinkii waa la iibiyay waxaa laga soo iibiyay dad Mareykan ka yimid 115 Biciso ayaa la bixiyaa qofkii waxaa laga qadaa 10 kun oo dollar halkaa waxaa la faa’iday hal milyan iyo dheeraad,” ayay tiri Xildhibaan Gobsan Muxumad.

Sidoo kale, waxay soo bandhigtay dhibaatooyin kale oo loo gaystay Xujeyda Soomaaliyeed, oo dhawaan ku banaanbaxay magaalada Makkah, iyaga oo ka cabanayay Gaajo iyo in la geeyay meelo aad u fog-fog oo an Bas lahayn.

“Waligeed ma aysan dhicin in laga mudaharaado Makkah dhexdeeda oo ay dadka ka mudaharaadaan gaajo iyo deegaan fog oo la dajiyay,” ayay raacisay.

Xildhibaan Gobsan oo hadalkeeda sii wadata ayaa carrabka ku dhufatay in arrintan ay kula xisaabtami doonaan wasiirka, ayna gayn doonaan Baarlamaanka Soomaaliya, si wax looga waydiiyo musuqa iyo dhibaatooyinka kale ee ay sheegtay in loo gaystay Xujeyda Soomaaliyeed.

“Wasiir Mukhtaar Roobow iyo wiilka yar ee walaalkiis ah ee uu inta itaalka biday gacanta u geliyay wasaaradda lagu dhibaateeyay dadka, ayna isku haystaan kaligii fariid kaligii sanka taage halkaan ayaan farriin uga dirayaa Wasiir Mukhtaar waxaan kula tiigsan doonaa golaha sharci dajinta ah oo 322 xildhibaan ay kuugu warsan doonaan,” ayay mar kale tiri Xildhibaanaddu.

Dhankiisa Xildhibaan Buraale oo ka hadlay dhacdooyinkii sanadkan ee Xaja ayaa farriin toos ah u diray Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Bare. “Xamsow jannada waxey agtaalaa Mukhtaar Rooboow oo hore dad badan u soo laayay si uu janno ugu galo haddana xujeyda Soomaaliyeed dhibaato ku haaya”.

Related articles

Recent articles

spot_img