29.6 C
New York

DEG-DEG: Dagaal u dhexeeya Ciidamada Dowladda iyo Ilaalada Xasan Cali Kheyre oo ka Qarxay Muqdisho

Published:

Dagaal culus ayaa la soo sheegayaa inuu ka dhex qarxay ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamo la sheegay inay la socdaan Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, sida ay xaqiijinayaan dad goob-joogayaal ah.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in iska horimaadka uu billowday kaddib markii ciidamo ka kala tirsan labada dhinac ay isku soo dhowaadeen, taasoo dhalisay is-afgaranwaa iyo muran degdeg ah oo isu beddelay dagaal hubeysan.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in rasaas xooggan laga maqlayo aagga uu dagaalku ka socdo, iyadoo la tilmaamay in labada dhinac ay isku adeegsanayaan hub culus iyo mid fudud.

Ilaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay iska horimaadka, mana jiraan warar rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama dhinaca Xasan Cali Kheyre oo ku saabsan sababta keentay dagaalka iyo xaaladda goobta.

Xiisaddan ayaa ku soo beegmaysa xilli magaalada Muqdisho ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo xooggan iyo kulamo ay wadaan mucaaradka iyo dowladda, taasoo sare u qaadaysa walaaca laga qabo amniga caasimadda.

Related articles

Recent articles

spot_img