29.6 C
New York

Dedaallo Nabadeed oo socda iyo Imaamka iyo Ugaaska Mudulood oo Kulan Degdeg ah la Leh Ugaaska Murusade iyo Xasan Cali Kheyre

Published:

MUQDISHO, Goobjoog – Kulan xasaasi ah oo daba-jooga dhacdooyinkii maanta ayaa caasimadda Muqdisho uga socda wafdi ballaran oo odayaal dhaqameed ah, kuwaas oo uu hoggaaminayo Imaamka Beelaha Mudulood, Imaam Daahir Imaam Cumar, iyadoo uu qeyb ka yahay Ugaaska Mudulood, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas.

Wafdigan dhaqanka ayaa xaruntiisa ku booqday Ugaaska Beesha Murusade, Ugaas Cabdillaahi Maxamed Cali, ayadoo kulanka ay qeyb ka yihiin odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin miisaan leh oo uu ka mid yahay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre.

Ujeeddada ugu weyn ee kulankan degdegga ah ayaa lagu sheegay inay tahay sidii loo qaboojin lahaa xiisaddii siyaasadeed iyo tii amni ee maanta ka dhacday degmada Howlwadaag ee gobolka Banaadir, loona helari lahaa is-afgarad buuxa oo lagu ilaalinayo xasiloonida caasimadda.

Dhaqdhaqaaqan oo ay hormuudka u yihiin hoggaanka dhaqanka ugu sarreeya ee deegaanka ayaa muujinaya dedaal weyn oo loogu jiro in lagu xakameeyo wixii isku-dhac ah, iyadoo la adeegsanayo hab-dhaqameedka nabadeynta Soomaaliyeed.

Related articles

Recent articles

spot_img