29.6 C
New York

NISA oo Dishay Sarkaal Sare oo Al-Shabaab u Qaabilsanaa qaraxyadda

Published:

MUQDISHO – NISA oo sheegtay in 9 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay howlgallo amni oo ka dhacay gobollada Shabelle dhexe iyo Hiiraan.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka NISA, 23 dagaalyahan ayaa lagu dilay howlgal ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee Shabeellaha Dhexe, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday koox la sheegay inay qorsheynayeen weerarro ka dhan ah deegaannada ay dhowaan la wareegeen ciidamada dowladda iyo shacabka deegaanka.

Howlgal kale oo ka dhacay degmada Buq-aqable ee gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay lix xubnood oo Al-Shabaab ah, kuwaas oo uu ku jiray Cabdiraxmaan “Cabdi Mudallib”, oo NISA ku tilmaantay madaxii qaraxyada iyo walxaha qarxa ee Al-Shabaab u qaabilsanaa gobolka Hiiraan.

Hay’addu waxay sheegtay in Cabdi Mudallib uu door weyn ku lahaa abaabulka iyo qorsheynta qaraxyada ka dhici jiray degmooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi, isla markaana uu ka mid ahaa xubnaha ugu muhiimsan ee kooxda uga howlgalayay gobolka.

Saraakiisha amniga ayaa ku tilmaamay dilkiisa dharbaaxo culus oo ku dhacday awoodda Al-Shabaab ee samaynta iyo adeegsiga walxaha qarxa (IED-yada), kuwaas oo kooxda u ah hubka ugu badan ee ay ku bartilmaameedsato shacabka, ciidamada iyo xarumaha dowladda.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah gulufka militari ee ay dowladda Soomaaliya ka waddo gobollada dhexe iyo kuwa koonfureed, iyadoo la beegsanayo hoggaanka kooxda, shabakadaha qaraxyada, ilaha dhaqaalaha iyo silsiladaha sahayda ee Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay sii wadi doonto howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna shacabka ku boorrisay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si looga hortago weerarro mustaqbalka dhici kara.

Related articles

Recent articles

spot_img