Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey dhacdadii galabta ka dhacday degmada Howl-wadaag ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka dhacday is-rasaaseyn dhalisay walaac amni.
Shir jaraa’id oo uu qabtay afhayeenka Boolisku ayuu ku sheegey in ciidamada ammaanka lagu weeraray xilli ay ku guda jireen waajibaadkooda qaran ee sugidda amniga iyo ilaalinta shacabka.
Booliska ayaa sheegay in ciidamada ay si degdeg ah uga jawaabeen weerarkaasi, islamarkaana ay qaadeen tallaabooyin sharci ah oo ka dhan ah waxa ay ku tilmaameen koox u abaabulan qaab ka hor imaanaya amniga iyo xasilloonida dalka.
Afhayeenka Boliiska ayaa xusay in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah, isagoo carrabka ku adkeeyey in aan loo dulqaadan doonin fal kasta oo khatar ku ah nabadgelyada shacabka iyo hay’adaha dowladda.
Dhacdadan ayaa timid kaddib markii galinkii dambe ee maanta ay soo baxeen warar ku saabsan iska horimaad hubeysan oo ka dhacay degmada Howl-wadaag, kaas oo ku lug lahaa ciidamo kala duwan.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli faahfaahin dheeraad ah ka bixin sababaha rasmiga ah ee keenay isku dhaca, hase yeeshee war-saxaafadeedka Booliska ayaa muujinaya dhacdada loo dhigay ama loo yeelay fasiraad amni iyo tallaabooyin sharci oo ay ciidamada qaadeen.

