More

    Khamiis, May 15, 2025-Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo sameeyay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab

    Published on:


    Macawiisleeyda gobolka Hiiraan oo sameeyay howlgalo ka dhan ah Al-shabaab

     
    Khamiis, May 15, 2025 (HOL) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysna oo ciidanka difaaca deegaanka ka sameyeen saacadahi lasoo dhaafay deegaanka Mabaax oo ka tirsan gobolka Hiiraan.

    Howlgalka ayaa ahaa mid ciidanka difaaca deegaanka Mabaax ku baacsanayeen xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab oo la sheegay iney isku aruursanayeen tuulooyin hoostaga deegaankaas.

    Sarkaal ka tirsan ciidanka difaaca deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in howlgalka uu ahaa mid ay kaga hortagayeen weeraro uga yimaada kooxda Al-shabaab, isagoona xusay iney burburiyeen goobo gabaad ka dhiganayeen kooxdu.

    “Howlgalka waxaan ku burburiyay gabaadyo khawarjita si dhuumaaleysi ah uga sameysanayeen tuulooyin hoostaga Mabaax, xogtooda oo aan helnay markaan ku baxnay way isaga carareen meelahii ay ku dhuumanayeen, iyagoo doonayay iney halkaas ka abaabulaan dhagaro iyo dhibaatooyinka ay la daba joogaan shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Macawiisleeyda Mabaax.

    Gobolka Hiiraan waxuu ka mid yahay gobolada ay wali sida xoogan uga socdaan howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka kooxda Al-shabaab, waxaana howlgaladaan ay imaanayaan kadib markii Al-shabaab dib ugu soo laabtay deegaano ka tirsan gobolka oo ay ka mid tahay deegaanka Abooreey.













    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here