Cutubyo kamid ah ciidamada Booliska Soomaaliya oo ku biiraya dagaalka Al shabaab
“Al-shabaab waa wiilal yar yar oo baqaya oo aan dad laheyn rabana inay is qarxiyaan oo naftooda haligaan laakiin idinku waxaa leedihiin madax idin jecel oo xaquuqdiina diyaar idiinla ah iyo ummad Soomaaliyeed oo idinku jiifta” ayuu yiri Taliye Asad oo khubad dhiirigelin ah ka hor jeediyay askartaan.
Taliye Asad Hadalkiisu waxa uu sii raaciyay “Bil Ramadaan baa lagu jiraa Dagaalka aad u socotaan waa in Cibaado idiin noqdaa oo dalkiina iyo dadkiina ka xoraysaan Cadowga guul baana idiin rajeyn”.
Ciidamadaan Booliska ayaa qaba tababaro kala duwan oo ay siiseeyeen intoodi badan Dowladda Turkiga kuwaasi oo gudaha iyo dibaddaba loogu soo carbiyay dagaalka ka dhanka Argagexisada.