Xisbiga Himilo Qaran ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka aysan xisaabta ugu jirin qaab-dhismeedka dowladeed oo ka kooban labo heer Dawladeed kuwaas oo kala ah dowladda dhexe iyo dowlad- goboleedyadda xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, Xukuumadda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waxaa ka dhaxeeya wadatashi ku saabsan arrimaha masiiriga ah, sida uu dhigayo qodobka 48aad faqrada laad xarfaha (A iyo B) ee Dastuurka KMG ah.
“Dastuurka Dalku wuxuu u xeeriyay dhisidda guddiyada madaxa bannaan mabaadii ay tahay in laraaco, taasoo ay koow ka tahay in xubnaha guddiga ay ku yimaadaan wadatashi iyadoo dawladaha xubnaha ka dowladda Federaalka Soomaaliya ay qayb yihii, sida ku cad qodobka Illaad, faqrada 2aad ee Dastuurka KMG ah” ayaa lagu daray qoraalka Kasoo baxay Xisbiga
Ugu dambeyn Xisbiga ayaa shaaca ka qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wali ku adkaysanayo inuu qabsanayo doorasho kaligiis samaystay waxaana ay ka digeen inay keeni karto dib u dhac ku yimaada geedi socodka dowladnimada.