Horjooge iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-shabaab oo lagu dilay gobolka Baay
Saraakiil ka tirsan ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in weerarka qorsheysnaa lagu dilay horjoogahii kooxda u qaabilsanaa qaadista waxay ugu yeeraan Sakawaadka iyo maleeshiyaad la socday, hayeeshee lama shaacin magaca horjoogaha la dilay.
Ciidamada ayaa sidoo kale la sheegay iney gacanta kusoo dhigeen inta uu howlgalka socday Mooto Al-shabaab u saarnayd Raashiin kala duwan oo ay si qasab ah ugu soo qaadeen dadka shacabka ah ee ku nool deegaanada hoostaga degmada Qansaxdheere.
Howlgalkaan ayaa kusoo adaaya, iyadoo todobaadkii lasoo dhaafay uu shaaciyay taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanada Koonfur in Al-shabaabkii ugu badnaa ee lagu soo jabiyay dagaalada ka socda Shabeellaha dhexe iney soo buux dhaafiyeen gobolada Baay iyo Bakool ee maamulka Koonfur Galbeed.