Dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab oo soo buux dhaafiyay miyiga magaalada Baydhabo
Goob joogayaal ayaa sheegaya in dableydu ay si cad ugu sheegay beeraleeydaasi inay soo booqan karin ama u shaqa tagi karin beerahooda, taasoo kor u qaadeysa walaaca la xiriira amniga iyo helista ay wajahaan beeraleeyda gobolka Baay.
Tani waxa ay ka dambeeysay markii Maamulka iyo shacabka magaaladaba ay u
dabaaldegeen khasaare xoogan oo Al shabaab lagu gaarsiiyay Khamiistii
lasoo dhaafay dagaal ka dhacay degaanka Deeynuunay.
Ujeedka ay Kooxdaan usoo buux dhaafiyeen miyiga magaalada Baydhabo ayaa u muuqata mid ay ku doonayaan inay ku aargutaan khasaarihii kasoo gaaray dagaalkii ka dhacay degaanka Deeynuunay oo Maamulka Koonfur Galbeed uu guul ka sheegtay soona bandhigay meydadka Kooxdaasi.