“Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro waxa uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay Gobolka Geeska Afrika u leedahay in la iska kaashado amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.
Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale saddexda danjire kala hadlay horumarinta dhaqaalaha gobolka, fursadaha maalgashiga, fududaynta ganacsiga, kobcinta mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, iyo kordhinta gargaarka bini’aadantinimo.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu danjireyaasha saddexdan dal ku bogaadiyey xidhiidhka iyo wada shaqaynta ay dalalkoodu la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan waddamada Itoobiya iyo Boqortooyada Ingiriiska oo iyagu safiirro/wakiillo ku leh Somaliland, isaga oo dowladda Faransiiskana ku boorriyey inay Somaliland ka furto xafiis/safaarad,” ayuu qoraalku sii raaciyay.
Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa socdaal saddex cisho ah ku jooga dalka Jabuuti, halkaasi oo uu kulammo kula yeeshay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo madaxda kale ee dalkaas.