More

    Khamiis, May 15, 2025-Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiis dhinaca amaanka ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga

    Published on:


    Golaha Wasiirada oo ansixiyey heshiis dhinaca amaanka ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga

     

    Khamiis, May 15, 2025 (HOL) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ansixiyey heshiis is afgarad dhinaca Milatariga iyo amniga ah oo dhex maray Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga, kaas oo golaha ay usoo gudbisay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

    Heshiiska ayaa diiradda lagu saarayaa horumarinta iskaashiga dhanka amniga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga, wax ka qabashada dhinacyada muhiimka ah sida la dagaalanka argagixisada, wadaagga sirdoonka iyo tayeynta ciidamada Soomaalida.

    Heshiiska ay maanta ansixiyeen Golaha wasiirada ayaa ujeedadiisu tahay in la xoojiyo qaab dhismeedka amniga labada dal, taasoo u ogolaanaysa habab isku xiran oo wax looga qabanayo caqabadaha amniga ee gobolka.

    Khubarada Gobolka kusugan ayaa heshiiskan u arka tallaabo istiraatijiyad ah oo sare u qaadaysa awoodda labada dal ay wax uga qaban karaan arrimaha ammaanka, Waxaa la filayaa in ay furto waji cusub oo iskaashiga dhinacyada kale, oo ay ku jiraan ganacsiga iyo isdhaafsiga dhaqanka, si loo xoojiyo xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

    Ugu dambeyn Shirka Golaha oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda
    Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay
    warbixinno ku saabsan xaaladda guud  ee amniga, guulaha laga gaaray
    dagaalka Alshabaab, warbixin ku saabsan arrimaha Xajka iyo sidoo kale
    guddiga taakuleynta dagaalka lagula jiro kooxaha Alshabaab iyo Daacish oo warbixin
    laga dhageystay.













    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here