Madaxweynuhu wuxuu Xukuumadda faray dadajinta taageerada xoreynta deegaannada ay Daacish kaga sugan tahay buuraleyda Bari. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed oo mideysan ay ka guulaysan doonaan kooxaha argagixisada ah, isla markaana ay ka xoreyn doonaan dhammaan dhulka ay ku dhuumaaleysanayaan.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada caalamiga ah, iyada oo la xoojinayo awoodda ciidanka, lana horumarinayo daryeelka caafimaad ee halyeeyada dhaawacmay intii ay ku jireen hawlgallada xoreynta deegaannada.
Si kastaba ha ahaatee, weli dowladda Federaalka Soomaaliya wax taageero ah kama geysan dagaalka ka socda Calmiskaad ee ay Puntland kula jirto kooxda Daacish, Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay inay Puntland soo dhoweynayso cid kaste oo ku garab siinaysa dagaalka Daacish.