Weriye Suways Maxamuud Jaamac Muddo Ah Ku Xirnayd Xabsiga Dhexe
Weriye Suways Maxamuud Jaamac (Suways Gacayte) oo in muddo ah ku xirnayd xabsiga dhexe ee gobolka Nugaal ayaa maanta xorriyaddeeda dib u heshay kadib muddo laba jeer ah oo ay maxkamad ka soo muuqaatay.
Weriye Suways Gacayte oo dowladdu ku soo eedaysay kicin dadweyne iyo sumcad dil ayaa maxkamaddu qaadacday hanaanka loo maray dacwaddeeda waxayna dalbatay in dib loogu celiyo guddiga sare ee anshaxa warbaahinta Puntland.
Guddoomiyaha ururka warbaahinta Puntland ee MAP Maxamed Daahir Caynsane ayaa sheegay in dowladdu bilowday cabburin warbaahineed, loona baahan yahay in la dhawro shuruucda iyo xorriyadda hadalka.
“Xadhig kasta oo la sameeyo nama aamusin karo”, Ayuu yiri Guddoomiyaha Warbaahinta Puntland oo ka dib siideynta Weriye Suweys Gacayte oo laba todobaad ku xidhnayd Garoowe.
Wararka.so — your trusted source for global news.

