More

    Wareysi: Heshiis laga gaaray murankii shirkadaha Uber, Lyft iyo darawallada Minnesota

    Published on:


    Minneapolis — 
    Aqalka Sare ee Senate-ka gobolka Minneosta ayaa Isniintii meelmariyay hindise sharciyadeed ugu yaraan 20% kordhinaya dakhliga darawallada kasoo gala shirkadaha taksiyada ee Uber iyo Lyft, kaas oo mar labaad ay aqalka sare horgeeyeen urur ay ku mideysan yihiin darawallada shirkadahan oo lagu magacaabo MULDA.
    Guddomiyaha gobolka Minneosta Tim Walz oo hindisahan sannadkii hore kasoo horjeestay ayaa hadda sheegay inuu saxiixayo, kadib markii wax laga bedelay qeybo badan oo ka mid ah biilkii uu hore u diiday.
    Shirkadaha Uber iyo Lfty oo hore ugu gooddiyay inay ka guurayaan gobolka Minnesota haddii la meel mariyo sharcigan ayaa hadda sheegay inay sii joogayaan maadama heshiis laga gaaray qoddobo markii hore la isku mari waayay.
    Sharcigan ayaa lacagta ugu yare e saacaddii ay shaqaysan karaan dareewallada takaasida ka dhigaya $15.57 inkastoo laga yaabo in qiimuhu ku kordho rakaabka ama macaamiisha takaasida isticmaalaysa.
    Af-hayeen u hadlay Uber oo lagu magacaabo Josh Gold ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Associated Press in qiimaha cusub ee Aqalku Sanatku ansixiyey uu u oggolaanayo inay gobolka sii joogaan. Waxa uu sheegay in meel dhexe la iskugu yimid, guddoomiyaha gobolkuna uu ka shaqeeyey.
    Af-hayeen u hadlay shirkadda kale ee takaasida ee Lyft oo lagu magacaabo CJ Macklin ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray oo ay daabacday wakaaladda wararka AP ku sheegaya in la helay mele raalli lagu wada yahay oo lacagta u kordhinaya dareewallada, xisaabtana ku darsanaya waxa macaamiishu ay awoodi karaan.
    Haddaba, wariyaha VOA Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue) ayaa hindise-sharciyadeedkan iyo faa’iidada uu u leeyahay darallada ka wareystay Ciid Yuusuf Cali oo ah madaxa urur ay ku mideysan yihiin darawallada Uber & Lyft ee gobolka Minnesot oo loo soo gaabiyo MULDA.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here