Muqdisho — Kulankii u dhexeeyay xubnaha mucaaradka iyo qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ka dhacay hoteel Jasiira ayaa soo dhammaaday, isagoo lagu fashilmay dadaalladii dhex-dhexaadinta ee lagu doonayay in lagu soo afjaro xiisadda siyaasadeed ee dalka. Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo sidii xal loo heli lahaa.
Garaad Jaamac Garaad Cali oo kulanka ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in dadaalladoodii ay fashilmeen, isagoo sababta uga dhigay in guddigii ay ku heshiiyeen odayaasha uu dhismi waayay. ‘Caqabadda waxay ka timid dhaqanka Muqdisho,’ ayuu yiri, isagoo intaas ku daray in odayaashu ay haatan dib ugu laabanayaan deegaannadoodii.
Dhankooda mucaaradka ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay uga mahad-celinayaan dadaalkii ay sameeyeen, ayna ka xun yihiin in uu miro-dhali waayay. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay kulanka ayaa yiri: ‘Waxaan ugu tacsiyaynaynaa Odayaashii dadaalka ay wadeen in uusan mira dhalin.’
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa marxalad xasaasi ah oo ka dhalatay hannaanka doorashooyinka dalka, iyada oo ay si wayn isugu hayaan Dowladda Federaalka, mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada. Dadaallada dhex-dhexaadinta ayaa noqday kuwii ugu dambeeyay ee lagu doonayay in lagu soo afjaro xiisadda siyaasadeed.

