Muqdisho — Xubnaha mucaaradka Soomaaliya ayaa shir xasaasi ah kula yeeshay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed hoteel Jasiira, kaas oo looga hadlayay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan gudaha dalka. Shirka ayaa yimid xilli xiisadda ay sii kacsan tahay, maadaama illaa hadda aan heshiis laga gaarin hannaanka doorashooyinka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa xiisadda sii kordheysa ee u dhexeysa Villa Somalia iyo mucaaradka. Odayaasha ayaa horay ula soo kulmay labada dhinac, waxayna weli wadaan dadaallo isku soo dhaweyn ah si loo gaaro xal waaro.
Xaaladda Muqdisho ayaa labadii maalmood ee u dambeysay sii laba kacleysay, waxaana magaalada ka dhacay dibadbaxyo iska soo horjeedo oo ay soo kala abaabuleen dowladda iyo mucaaradka. Dibadbixii shalay ayaa watay rabsho, waxaana la arkay ciidamo hubeysan oo ilaalinayay dibadbaxayaasha.
Saraakiisha amniga ayaa hanjabaad u direen hoggaamiyeyaasha mucaaradka, iyagoo sheegay in tallaabo adag laga qaadi doono haddii ay isku dayaan inay qalqalgeliyaan amniga caasimada. Natiijada kulamada ayaa weli laga war sugayaa.

