Muqdisho — Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farriin culus oo wadaniyad leh u diray shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku hambalyeeyay munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa. Madaxweynuhu wuxuu Alle uga baryay inuu ka aqbalo acmaasha wanaagsan ee shacabka, sanadkan sanadkiisana uu nagu gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo barwaaqo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa si gaar ah ugu baaqay isku tanaasul iyo in la garab istaago dadka danta yar, si ay qayb uga noqdaan farxadda munaasabadda Ciida. ‘Dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, waxaan idiinku hambalyeynayaa munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxa oo ah munaasabad xambaarsan qiime weyn oo diini ah, kuna dhisan isjacayl, isu tanaasul, walaaltinimo iyo garab istaagga dadka nugul,’ ayuu yiri Madaxweynuhu.
Sidoo kale, wuxuu farriin gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ku amaanay doorka ay ka qaateen sugidda amniga dalka. ‘Waxaan halkaan uga mahadcelinayaa Ciidamada Qalabka Sida, geesiyaasha difaaca dalka. Nafhurkooda iyo dadaalkooda ayaa horseeday guulaha muuqda ee maanta dalku ku tallaabsanayo,’ ayuu yiri.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale hambalyo u diray muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku guda jira gudashada waajibaadka Xajka. Ciida ayaa sanadkan kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka ka taagan tahay xaalad bani’aadanimo oo daran, taas oo si gaar ah u saameysay dadka nugul. Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay marxaladda kala guurka ah ayaa iyadana ah mid weli taagan.

