22.7 C
New York

Warar Soomaaliya: Jubaland oo DF ku Eedeysay Carqaladeyn Lagu Sameeyay Duulimaad Rayid ah

Published:

Kismaayo — Maamulka Jubaland ayaa si adag u cambaareeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay ku eedeysay inay hor istaagtay diyaarad rayid ah oo ay leedahay shirkadda Maandeeq Air. Diyaaradda ayaa ka duushay Kismaayo kuna sii jeeday Dhoobley, waxaana lagu qasbay inay u leexato Muqdisho ama ay ka degto garoonka Wajeer ee dalka Kenya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Jubaland ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay ‘mid sharci-darro ah’ iyo fara-gelin lagu sameeyay duulimaad rayid ah. Jubaland waxay sheegtay in falkani uu khatar ku yahay badqabka rakaabka, xorriyadda isu socodka shacabka iyo kalsoonida nidaamka duulimaadyada.

‘Falkaan wuxu si cad uga hor imaanayaa xeerarka iyo heshiisyada caalamiga ah ee maamulaya duulimaadyada rayidka ah,’ ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka. Jubaland waxay ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah ee duulista rayidka inay si dhow ula socdaan xadgudubyadan.

Waxaa nasiib darro ah in Dowladda Federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay mar kale hawada Soomaaliya u adeegsanayso aalad siyaasadeed, halkii ay ka ahaan lahayd adeeg qaran oo si siman loogu adeego dhammaan shacabka Soomaaliyeed,’ ayaa hadalka lagu sii daray. Jubaland waxay caddeysay in aan la aqbali karin in shacabka lagu cadaadiyo go’aamo siyaasadeed.

Related articles

Recent articles

spot_img