More

    Ururro Soomaali ah oo caawiya Soomaalida ku cusub Canada

    Published on:


    Ururrada Soomaalida ee ka dhisan magaalada Niagara Fallas ee gobolkan Ontario ee dalka Canada oo xuduud la leh magaalada Buffalo ee gobolka New York ee dalka Mareykanka, ayaa ka qeyb qaadanaya soo dhaweynta iyo wacyigelinta Soomaalida ku cusub magaaladaasi. Niagara Falls, waxey kamid tahay magaalooyinka sanadahan dambe ay deegaan ka dhigteen Soomaali qaab qaxootinnimo ama waxa loo yaqaanno Group 5 lagu geeyay dalka Canada.Haddaba wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Cabdiraxiim Maxamed Yuusuf oo loo yaqaanno Cabdiraxiim Iikow oo ka tirsan madaxda ururka Somali Himilo Community of Niagara Region, ugu horreyna wuxuu waydiiyay halka ay maryaan howlaha ay ku caawinaayaan Soomaalida ku cusub magaaladaas.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here