More

    Soomaaliya oo ka hadashay duqeyta Itoobiya ee Sh/Dhexe

    Published on:


    Muqdisho — 
    Dowladda Soomaaliya ayaa shalay markii ugu horreysay xaqiijisay in ciidamada cirka ee Itoobiya ay toddobaadkan duqeyn la beegsadeen fadhiisimo ay Al-Shabaab ku lahayd Shabeellaha Dhexe.
    Wasiirka Gaashaandhigga, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in dowladdu ay Itoobiya u fasaxday inay duqeynta fuliso, iyadoo taasina ay qeyb ka tahay dadaalka ay Soomaaliya iyo Itoobiya ugu jiraan sidii looga adkaan lahaa kooxda Al-Shabaab.
    Dowladda ayaa dhinaca kale faahfaahin ka bixisay dagaalka u dhexeeya ciidamadeeda iyo kuwa deegaanka ee Macawisley oo isku dhinac ah, iyo maleeshiyada Al-Shabaab, kaasi oo ka dhacaya qeybo ka mid ah gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.
    Warbixintan waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.


    Read More

    Related

    Leave a Reply

    Please enter your comment!
    Please enter your name here